Waaxda Boliska Qaranka Turkiga ayaa soo saaray Digniin ku aadan weeraro ay sheegeen in laga filan karo inay Alshabaab ka geystaan gudaha dalkaasi.
Digniinta ayaa loo kala diray dhamaan 81-ka Gobal ee uu ka kooban yahay dalka Turkiga, si ay Taxadar dheeraad ah uga muujiyaan ka-hortagga weeraradaasi.
Warbixin lagu soo daabacay Wargeyska Maalinlaha ee The Milliyet Daily ee ka soo baxa Turkiga ayaa lagu shaaciyey in dhaamaan Waaxyaha Boliska Turkiga looga digay in xubin ka tirsan Alshabaab oo ay u bixiyeen magaca Bihaari uu qorsheynayo inuu qaraxyo ka fuliyo Turkiga.
Waaxda Boliska Qaranka Turkiga waxay sheegeen inuu Bihaari uu horey u joogi jirey magaalladda Istanbuul, isagoo gacan ka helay Sarkaal ka tirsan Dowladda Somalia oo magaciisa lagu sheegay Xuseen C/casiis C/risaaq, waa sida lagu xusay Warbixinta.
Warbixinta Boliska Turkiga waxaa kaloo lagu muujiyey inuu jiro Eedeysane kale oo ka tirsan Alshabaab oo magaciisa lagu soo koobay D.X., oo la sheegay inuu Khabiir ku yahay diyaarinta Qraaxyadda, kaasi oo  haatan wax ku baranayo dalka Turkiga, waa sida ay Boliska Turkiga shaaciyeen.
Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay inay suurtogal tahay inuu Eedeysane kale ku lug leeyahay qorshaha weeraradda lala maagan yahay Turkiga, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Ahmed Ibrahim Baarleex, oo wax ku bartay gudaha dalka Turkiga.
Digniinta ka soo baxday Boliska Qaranka Turkiga ayaa ah digniintii ugu horreysay ee lagu sheego inay Alshabaab maleegayaan weeraro ay ka geystaan gudaha dalka Turkiga.
Bishii Janaayo 22-da ee sannadkan, Xarakadda Alshabaab waxay sheegteen Mas’uuliyadda qaraxa gaari oo ka dhacay afaafka hore ee Hotelka SYL oo ku yaalla magaalladda Muqdisho, kaasi oo dhacay Hal maalin ka hor, Safar uu Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan ku yimid magaalladda Muqdisho.
Labo Sarkaal oo ka tirsan Boliska Somalia ayaa ku geeriyootay Qaraxaasi.
© Radio Dalsan  Â