Ciiddanka Boliska Talyaaniga ayaa la sheegay inay xoog u adeegsadeen si ay uga daad-gureyaan Qaxooti Afrikaan ah oo hoy ka dhigtay buundo ay Tareenadda maraan oo ku taalla xuduudka Talyaaniga iyo Fraansiiska.
Ciiddanka oo watay qalabka looga hortago rabshadaha ayaa halkaasi ka daad-gureeyey qaxooti u badan Somali , Sudanese iyo Eritrean, waxaana la sheegay inay ku jireen haween iyo carruur ooynayey.
Ku-dhawaad 300 oo Qaxooti ayaa shantii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa meel ku dhow Degmadda Ventimiglia, kuwaasi oo la sheegay inay xanibeen gaadiidkii isaga kala gooshi jirtey xuduudka Talyaaniga iyo Faransiiska.
Qaxootiga ayaa la sheegay iyagoo gacmaha is-haysta inay seeexdeen Waddada, kadib, markii Ilaaladda Xuduudka ee Faransiiska u diideen inay soo galaan Faransiiska.
Ugu yaraan hal Sarkaal oo ka tirsan Boliska Talyaaniga ayaa ku dhaawacmay daad-gureynta qaxootigaai.
Â
© Warqabadka Dalsan Radio