Xiisad ka taagan Degmadda Wajeer ee W/bari ee dalkaasi, kadib, markii ay Ciiddanka toogteen Nin ka mid ahaa dad lagu hayey Xero Bolis oo ku taalla Degaanka Kutulo.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Milliteriga qaadeen Hawlgal ay ku soo qabanayaan dadka lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaaab, iyadoo Tobaneeyo qof lagu xiray Xero ay Boliska AP ku leeyihiin Deegaanka Kutulo.
Goobjoogayaasha oo la hadlay Wargeyska The Nation ayaa qoray inay Ciiddanka toogteen mid ka mid ah dadka la soo xiray, kaasi oo lagu magacaabi jirey Xasan Cabdi Muxumad oo 51-jir ahaa.
Marxuumka ayaa la sheegay inay Ciiddanka toogteen, kadib, markii qaar ka mid ah dadka la xiray ka bannaan baxeen Xraigooda.
Goobjoogayaasha waxay kaloo sheegeen in Marxumka la dilay uu shaqqale dhinaca Ammaanka ka ahaa mid ka mid ah Shirkadaha Korantadda ee Deegaankaasi.
Hawlgalka ay Ciiddanka Ammaanka Kenya ka wadaan Wajeer waxa uu ku soo beegmay kadib, markii ay Dagalaamayaasha Alshabaab qarax miino ku dileen 8 ka mid ah Askarta dalkaasi maalintii Axadda ee la soo dhaafay.
Si kastaba ha ahaatee, Milliteriga Kenya waxaa lagu eedeeyaa inay jir-dil, Xabsi iyo dil u geystaan dadka Soomaalida ku nool W/bari ee dalkaasi ee ay ku tuhumaan inuu taageero Xarakadda Alshabaab oo inta bdaan Hawlgallo ka fulissa gudaha Kenya.