Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Bionett ayaa sheegay inay 48 qof oo shisheeye lagu kala qabtay Degmooyinka Gaarisa, Mandheera iyo Wajeer, kuwaasi oo uu xusay in lala xiriirinayo Alshabaab.
Hadal qoraal ah oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in dadka ay qabteen yihiin Dhallinyarro aad u da’ yar, lana baarayo ujeedada ay u joogeen gudaha Kenya, wuxuna xusay inay badankooda lagu tuhunsan yahay Alshabaab.
Taliyaha Guud ee Boliska Kenya waxa uu sheegay in mid ka mid ah dadka la qabtay lagu tuhunsan yahay inuu ka mid yahay Dagaalamayaashii Alshabaab ee bishan June 14-dii weeraray Xeradda ay Ciiddanka Kenya ku leeyihiin duleedka Laamu ee Gobalka Xeebta.
Waxa uu magaca ninkaasi ku sheegay Abdhakim Abdisamad, kaasi oo sheegtay inuu yahay British, asal ahaan ka soo jeeda Soomaalida Carabra ee deggan Laamu.
Qabashada dadka lala xiriirinayo Alshabaab ayaa yimid, iyadoo ay Dowladda Kenya dhawaan shaacisay inay Jihaadistayaal shisheeye ah oo ka tirsan Dagaalamayaasha Alshabaab ku sugan yihiin gudaha dalka Kenya iyo iyadoo uu
Shirweyne looga hadlayo Xag-jirnimadda Geeska Afrika ka socdo magaalladda Nairobi.