Madaxa Ammaanka ee Gobalka Xeebta ee dalka Kenya, Robert Kituur ayaa rumeysan inuu Jihadistihii Britishka ee ka tirsanaa Alshabaab, ee Thomas Evans ee dhawaan lagu dilay duleedka Degmadda Laamu ay Ciiddanka Kenya qabteen sannadkii 2011-kii, kadibna u masaafuriyeen dalka Britain.
Robert Kituur waxa uu sheegay inay Ciiddanka qabteen dhowr nin oo ajnabi ah, kuwaasi oo doonayey inay ka gudbaan xuduudka Somalia, si ay ugu biiraan Dagaalamayaasha Alshabaab.
Waxa kaloo uu sheegay inay baarayaan haddii uu  Thomas Evans oo markii uu islaamay la baxay Cabdul Xakiim  la hawlgeli jirey Haweeneyda Britishka ee Samantha Lethwaite, loona yaqaano Carmalada Cad.
Boliska Kenya waxay kaloo sheegeen inay rumeysan yihiin in Jihadistahaasi saaxiib la ahaa Jihaadiste kale oo British ah oo lagu magacaabo Jermaine Grant, kaasi oo ku xiran Kenya, kuna eedeysan Argagixisinimo.
Dhinaca kale, hooyadda dhashay Thomas Evans ayaa sheegtay in ay doonayso in wiilkeeda lagu aaso dalka Kenya.
Hooyadda, Sally Evans oo 57 jir ah ayaa u sheegtay Wargeyska The Times inuu wiilkeeda la soo xiriiray bishii December ee sannadkii hore una sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu sameeyo ficil uu ku galayo Jannadda.
© Warqabadka Dalsan Radio