Xeebaha Soomaaliya waxay qani ku yihiin kheyraadka badda, balse dadka qaar weli kuma baraarugsana isticmaalka kalluunka.

Dhaqankan ayaa sii xoogaystay sanadihii u dambeeyay, balse ka hor burburkii dalka, cunista kalluunka waxay ahayd arrin ay dad badani ka faani jireen.
Xilligii dowladdii kacaanka, waxaa la qaaday dadaallo ballaaran oo bulshada lagu barayay cunista iyo isticmaalka kalluunka.
Xasan Abuukar, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha badda, ayaa noo sharaxay sida ay dadkii hore u isticmaali jireen kalluunka.
“Dadkii hore kalluunka ma aysan aqoonin, dadka yar mooyaane oo cuni jiray. Magaalooyinku sida maanta uma furneyn, sidaasna looma deggeneyn. Laakiin waqtigii kacaanka, waxaa jirey maalmo aanan wax hilib ah lagu qalin kawaannada, oo kaliya malayga la cuni jiray. Dadka intooda badan halkaas ayey ku barteen,” ayuu yiri Xasan Abuukar.
Cali Saciid, oo ka mid ah dadka ka ganacsada kalluunka, ayaan weydiinay farqiga u dhexeeya iibsiga kalluunka waqtigan iyo xilliyadii hore.
“Malayga dadka way barteen; xilligii hore sidaas looma aqoon jirin. Inyar oo malay ah ayaa naloo keeni jiray, haddase doonyuhu way bateen, dadka cunana way bateen, aad iyo aad ayey u cunaan malayga,” ayuu yiri Cali Saciid.
Si aan wax badan uga ogaano isbeddelka ku yimid dhaqanka bulshada ee xagga cunista kalluunka, dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaan weydiinay in cunto maalmeedkooda uu qayb ka yahay malayga.
“Anigu hore malay ma cuni jirin, hilibka ayaan badnaa. Dadka waxay dhahaan xasaasiyad ayuu leeyahay, qofka xattaa haddii uusan qabin shakigaas ayaa lagu abuurayaa. Laakiin sanadkan aad ayaan u isticmaalaa, marka loo fiiriyo hilibkana waxaan dareemayaa inuu ka fiican yahay,” ayuu yiri Mustaf Maxamed.
Khadijo Maxamed, oo ka mid ah dadka ku nool Muqdisho, ayaa iyaduna noo sheegtay:
“Anigu malay lee cunaa, hilib ma jecli. Malayga waa la igu soo koriyey.”
Soomaaliya waxay leedahay xeebta labaad ee ugu dheer qaaradda Afrika, taas oo hodan ku ah kalluunka iyo khayraad kale oo badeed. Hase yeeshee, dad badan oo Soomaaliyeed weli ma aysan ka faa’iideysan nimcadan weyn ee Alle siiyey, iyadoo kalluunka uu weli ka maqan yahay miisaska qoysas badan.
Fathi Hassan, Bilan Media