|

ROOBABKII XOOGANAA EE MUQDISHO DA’AY IYO SAMEYNTA UU KU YEESHAYWADDOOYINKA

Bilan Media · Ilhaan · May 20, 2025
ROOBABKII XOOGANAA EE MUQDISHO DA’AY IYO SAMEYNTA UU KU YEESHAYWADDOOYINKA

Magaaladda Muqdisho waxa ku da’ay roobab xooggan oo sameyn ballaaran ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka. Roobkan oo da’ay saacadihii la soo dhaafay ayaa sababay burburka waddooyinmuhiim ah,waxa dumay guryo, sidoo kale waxa la sheegay in ay jirto. Dadka qaar ayaa ku xayirmay jidadka halka kuwa kalena ay ku khasbanaadeen in ay ku dhex lugeeyaan daadadka waddooyinka socday.

Qar ka mid ah dadka ku nool Muqdisho ayaan weyddiinay sameeeynta uu ku yeeshay roobku iyo burburka waddooyinku. Maxamed Jamac oo ka mid ah bajaajlayda aya ka hadlay caqabadaaha ka heysto laamiyadda, daadka iyo jidadka uu roobku gooyay.

“Maanta dhiiqo meel an ka maarno ayaan weyney,  magaaladda meel kasta  biiyo ayaa socda, haddana sidaas oo ay tahay canshuur ayaa  nalaga qadaa habeen iyo maalin. Guryaha, dukaanada, bajajka dhammaan cashuur ayaa laga wadda qaada, haddana roobku marka uu da’o ma la shaqaysan karo.”

“Dadka jiidadka sameeynaaya ee qandarasaadda lagu siiyoo lama xakameeyo” Maxamed Jamac ayaa sidaas yiri.

Mahdi oo ka mid ah shacabka magaladaa Muqdisho ayaa ka hadlay lacagta bajajta  lagu raacayo in  qaalli noqotay..

“Waddoyiinka maanta aad ban ugu dhibaatoonay, waddoyinka qaar way xiirnayeen iyo kuwo ay goyeen biyuhu ayaa ay isugu jireen. Saaka  babuur caasi ah oo wadday hilib ayaa ku dhacay jidka Soobe, sidoo kale  lacagtii bajaajta lagu raacayay qaalli ayaa ay noqotay, meeshii halka doolar lagu tagaayey saddex ayaa ay ku dhahayaan. Dawladdu cashuur ayaa ay naga qaada, haddana uma jeedno wax lagu qabto.”

 

Fathi Hassan, Bilan Media 

 

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.