|

" BARASHADA XIRFADDA BAARISTANIMADA"

Bilan Media · Bilan Media · August 1, 2024
" BARASHADA XIRFADDA BAARISTANIMADA"

Muddooyinkii ugu danbeeyey waxa magaaladda Muqdisho ku soo badanaayey

dhallinyaradda hal-abuurka leh ee dib ugu soo labanayay dalka dibadiisa kuwaas oo

hir gelinaya ganacsiyo iyo goob lagu barto xirafaddaha fudud ee farsamada gacanta.

 

Maxamed Abdiqadir, wuxuu ka mid yahay dhallinyardda dalka dib ugu soo laabtay si

uu uga dhabeeyo hab fikir cusub oo uu ku barayo dhallinyaradda xirafadda fudud iyo

habka loo sameeeyo bunka noocyadiisa kala duwan iyo cabitaanada casri ah.

 

“In uu qofka soo laabto oo waddankiisa ku hormarin karo oo yoolka uu leeyahay

hiigsan karo taas wax u dhaamo ma leh 85%. Dadka halkan waxa ka bartaa, waxa

ay u badan yihiin dad wax bartay oo jaamacaddaha dalka dhigta ama ka soo qalin

jabiyey, se aan wax shaqo aan hayn. Da’yarta dhammaysta xifadan baarista hadda

waa ay ku shaqaystaan oo waxa aan ku xidhnaa meheradaha magaaladda

Muqdisho.”

Farhio wax ay ka mid tahay ardeyda waxa ka barata xaruntan waxa ayna noo

sheegtay;

“Sababta aan u doortay barashada baaristanimada ayaa ah, in ay tahay xirfad

muhiim ah waxa ayna qofka u sahlaysa in uu ku shaqaysto. Bulshada Somaalidu

waxa ay u haystaan in shaqadan loogu talo rag oo kaliya, balse waxa ay ku xidhan

tahay xiisaytan qofka iyo deddaalkiisa.”

Dhanka kale Maxamed oo ka mid ah, dhallinyarta ka faaiidaystay Kaamil Baarista

kuna shaqaysta xifradan ayaa dhahay;

“Waxa aan ka shaqeeya mid ka mid ah meeradaha magaaladda Muqdisho ku yaala,

waxa aan ku shaqeeya xirfadda baaristanimada. Waa xirfad aad u fudud oo qofkii

barta ka caawin karta in ku shaqaysto, shaqo la’aantana kaga maarmo.”

 

Luul Maxamed Adan oo ka mid ah gabdhaha xaruntan waxa ka barta ayaa

gabdhaha ugu baaqaysa barashada xirfadaha kala duwan si ay ugu shaqaystaan.

“Gabdhaha Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqayaa in ay xirfado badan bartaan si

gaara ah, xirfadaan baaristanimada si ay ugu shaqaystaan.”

 

SHUKRI MOHAMED ABDI--------------BILAN MEDIA

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.