Salaadda Janaasada ayaa lagu tukaday AUN lix askari oo ka tirsaneyd Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) kuwaas oo si naxariis-darro ah loogu dilay degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Askarta ayaa maanta lagu aasay magaalada Beledweyne iyadoo loo sameeyay aas-qaran oo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin sare iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Munaasabadda Aaska Qaran waxaa ka qeyb-galay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Imaamka Muddulood Imaam Daahir, Wasiirka Wasaaradda Batroolka Mudane Daahir Shire Maxamed, Xildhibaan Cabduqaadir Maxamuud Oow-bakar Dhagaweyne, xildhibaanno heer federaal ah, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye, Maayarka Beledweyne Nadar Tabaax Maalin, iyo dadweyne badan oo matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada.
Mas’uuliyiinta iyo madax-dhaqameedka goobta ku sugnaa ayaa tacsi u diray qoysaska askarta lagu dilay, iyaga oo ku tilmaamay geesiyaal naftooda u huray difaaca dalka iyo dadkooda.
Dilkan foosha xun ayaa ahaa mid la xiriira hayb qabiil, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waaran soo qabasho u jartay shaqsiyaadkii ka dambeeyay falkaasi, si loo hor keeno caddaaladda. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in wax laga qabto falalka noocan oo kale ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa ballan qaaday inay dib u xoojin doonto howlgalka ka dhanka ah kooxaha ama shaqsiyaadka fulinaya falalka cadowtinimada ah ee ku saleysan kala-qaybinta bulshada Soomaaliyeed.