Qaramada Midoobay, Midowga Afrika (AU), Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa si wada jir ah usoo wada dhaweeyay amar ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo ku saabsanaa qaabka iyo geeddi-socodka doorashadda ee sanadkaan 2016 ka dhaceysa Soomaaliya.
Beesha caalamka ayaa maskaxda ku heysa Qaraarka kasoo baxay madaxweynaha, in uu fududeeyn karo isla markaana uu diyaarin karo farsamooyin iyo hirgelinta nidaamka doorashada iyadoo aan dib u dhac dheeraad ah lala kulmin.
Sidoo kale waxaa ay warsaxaafadeedka lagu sheegay in in la raacaa ballanqaadyada soo noqnoqday ee Dowladda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka, Hoggaanka iyo  hay’adaha kale ee muhiimka ah, waa in aysan jirin mudo kordhin lana eegaa xadka muddada dastuuriga ah ee baarlamaanka iyo xukuumadu.
“Wada-hawlgalayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya waxaa ay soo dhaweyn iyo taageero buuxda ay u muujiyeen go’aanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowladda Federaalka ay qaateen.,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. Sidoo kale waxaa uu yiri ” Hanaanka ama Qidada ee la ayiday waa habka doorashada. Waxaa cad in Baarlamaanka Soomaaliya ay dhib weyn ay kala kulmi lahaayeen sharciyeenta nidaamka.†Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
“Madaxweynaha iyo Dowladiisa ayaa sharciyeeyay si loo ilaaliyo waqtiga, diyaarinta farsamo iyo hirgelinta nidaamka doorashada, taasoo hakad qatar ah ku jirtay. Caqabadaha hadda jira ayaa ah diyaarinta iyo fulinta doorashooyinka. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan dhismaha si loo dhameey “. Ayaa sidoo kale lagu sheegay warsaxaafadeeka kasoo baxay beesha caalamka.
Waxaa kaloo ay sheegeen Beesha Caalamka in Wada tashi loo dhan yahay iyo ka qaybqaadashada ku saabsan hanaanka doorashooyinka soomaaliya, ay najiijadeeda ay noqotay mudo 10 bilood ku dhow kadib, in ay si wada jir ah 28 bishii july ee sanadkii 2015 ay ugu dhawaaqeen dowladda soomaaliya iyo baarlamkaankeeda in aysan soomaaliya sandkaan 2016 ka dhici Karin doorashada needu uu yahay One-Person One-Vote. Ama “ Nin iyo codkii “.
Waxaa jira arrimo badan oo farsamooyin iyo nidaamyo ah oo aan wali la xalin, oo ay ka mid yihiin balanqaadyadda shirkii hogaaamiyaasha Qaran, kaasoo aan wali la xalin 30% . kuraasta labada aqal ee Baarlamaanka, haweenka iyo xalinta khilaafaadka doorashooyinka. Wada-hawlgalayaasha caalamiga ah ayaa carabka ku adkeeyay sida ay uga go’antahay in ay taageeraan geeddi-socodka doorashooyin  hufan oo loo dhan yahay.
” Amarkaan ayaa go’aamina in loo dhaqaaqo jihada saxan. Hormarka siyaasada ayaa muhiim u ah Malaayiin soomaali ah kuwaasoo doonaya xasilooni iyo isla xisaabtan weyn. Waxaa kaloo ay muhiim ay u tahay labaduba gobolka iyo ammaanka iyo nabada caalamiga ah,â€. ayuu carabka ku adkeeyay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ansixiyay heshiiskii hannaanka doorashooyinka dalka ee uu muranka badan ka taagnaa.
Sidoo kale waxaa uu Madaxweynaha uu sheegay  in asyan raali ka noqonayn in dalka khalalaasa la geliyo, ayna ogolaan doonin in khilaaf la geliyo doorashada. Waxana uu sheegay in xeerka madaxweyne ee uu maanta soo saaray uu isla maantaba dhaqan gali doono, isagoo intaa raaciyay in xeerkaasi loo gudnbiyay baarlamaanka.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida in la ilaaliyo midnimo ummadda, waxa uuna sheegay in asyan doonayn in ay niyad jebiyaan beesha caalamka oo taageero la garab taagnayd dowladda Soomaaliya sidii ay doorashooyin dalka uga dhici lahaayeen.
In Madaxweynaha uu ansixiyo heshiiskii hannaanka doorashooyinka dalka ee uu muranka badan ka taagnaa. Ayaa waxaa ay ka dambeysan kadib markii Baarlamaanka uu sheegay Sabtigii in maalmo ay dib u dhiganayaan ansixinta Hanaanka.

Waxaa Qoray : Hassan Istiila