Saraakiisha Ciidanka Booliska Degmooyinka Baladweyne iyo Matabaan ayaa kala qaaday malleyshiyo Beeleed dhawaanahaan ku dagaalamayay degaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana ka qayb qaatay Xalinta xiisaddaasi dagaal Ciidanka Xoogga ee ku sugan Gobolkaasi.
Degaan u dhexeeya degmada mataabaan iyo degaanka Xajiin farayar ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya labo beelood oo walaalo ah, kuwaasi oo diriri dhexmaratay.
Odayaaasha dhaqanka dhinacyada dagaalamay ayaa lasoo sheegayaa in haatan ay ku guuleysteen kala qaadista Maleeyshiyaad kaas, waxaana sidoo kale qayb ka qaatay Saraakiisha Ciidanka Nabad sugidda.
Dagaalka dhexmaray labada Malleyshiyo ayaa salka ku hayay aanooyin qabiil, waxaana tiro dhowr jeer ah soo noq noqday dagaalka u dhexeeya labada Malleyshiyio beeleed.