Ciidanka ammaanka ee magaalada Boosaaso ayaa toogtay dagaalame ka tirsanaa Daacish oo ku guda jiray hawlgal qarsoodi ah oo uu doonayay in uu ku aaso miino gudaha magaalada.
Dagaalamaha la toogtay ayaa ahaa ajnabi ka tirsan kooxaha Daacish ee ka howlgala Gobolka Bari, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada ammaanka.
Sida la sheegay, dagaalamahaasi waxa uu muddo ku jiray magaalada Boosaaso, isagoo ku dhex milmay dadka rayidka ah, waxaana uu iska dhigi jiray ganacsade aan u muuqan mid khatar ah.
Waxaa iska dhigi jiray dadka danyarta ah isagoo iibin jiray cadaro iyo alaabooyin kale oo yar yar, taasoo ka dhigtay in aan si fudud loo garan karin inuu ahaa xubinta ka tirsan kooxda argagixisada.
Si kastaba ha ahaatee, ciidanka ammaanka ayaa gacanta ku dhigay xilli uu isku dayayay in uu aasay miino, taasoo uu doonayay in ay ku disho ama ku dhaawacdo dadka shacabka ah ee ku nool magaalada.
Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay baaritaanno dheeraad ah sameyn doonaan si loo ogaado xiriirkiisa iyo falalka kale ee uu ka qeyb qaadan jiray.
Dhinaca kale, ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa kor u qaaday hawlgallada iyo baacsiga kooxaha Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Saldhigyo muhiim ah oo kooxda Daacish ay horey u lahaayeen ayaa la sheegaa in ay ciidanku kala wareegeen, iyadoo xaaladdu sii kacsan tahay.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgallada amniga si looga hortago falalka argagixiso ee gobolka ka dhaca.