Imaaraatka Carabta ayaa waxaa weli ka socda tacsida iyo baroordiiqa saraakiil ciidan oo looga dilay magaalada Muqdisho habeenkii ay Axada soo galaysay.
Askartaas oo uu ku jiro Korneel ciidan oo sare oo Imaaraat ah ayaa halkaas u joogay tababarka ciidamada Soomaalida ee ku xareysan xerada Janaraal Gordon.
Weerarka oo ay sheegteen kooxda Al-Shabaab ayaa fuliyay nin ka mid ah askartii ugu xareysneyd halkaas tababarka.
Madaxweynaha Imaaraatka Carabta Sheekh Maxamed Bin Sayed Al Nahyaan ayaa tacsi u diray qoyska Koroneel Maxamed Mubarak AlMansouri, oo ah ninka ugu sarreeyay saraakiisha lagu dilay Muqdisho.
Saddex kale oo saraakiil sare ah oo uu ku jiro sarkaal u dhashay Baxreyn ayaa sidoo kale lagu dilay weerarkaas.
Shalay waxaa goobta tacsida booqday Sarreeya Guuto Dayib Bin Saqd Al Nucmani oo ah Taliyaha Guud ee ciidamada Qalabka Sida ee Baxrayn.