Wararka naga soo gaaraya Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo Banaanbax xoogan oo lagu taageerayo Sheekh Mutkhtaar Roobow.
Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa waxa ku qeylinayaan Erayo ay kamid yihiin iigeya Mukhtaar iigeya,waxaana gebi ahaanba xiran Ganacsiga Degamadaasi.
Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa ah ku aad u careysan,waxaana ay ka soo horjeedan Xarigii loo geystay Musharax Mukhtaar Roobow,kaasi oo maalin ka hor lagu xiray Magaalada Baydhabo,isla markaana la keenay  Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.
Dhinaca kale waxaa mudaharaadyo xoogan ay ka socdaan Maanta Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas dhaceysa.
Wariyeyaal ku sugan Baydhabo ayaa waxa ay sheegeen in la jaray Isgaarsiintii Magaalada,taas oo yareeysay in wax weyn laga ogaado xaalada Magalada Baydhabo.