Caasimadda dalka Georgia ee Tblisi waxaa xalay habeenkii afraad oo xiriir ah isku dhacay booliska iyo dibadbaxayaasha mucaaridka ee kasoo horjeeda go’aan ay dowladda ku hakisay wadahadallada ku biirista Midowga Yurub.
Xiisadda ayaa muddo bilo ah aad u kacsaneyd dalkan isku xira Yurub iyo Aasiya, isla markaana hooy u ah ilaa 3.7 milyan oo ruux.
Xisbiga talada haya ee Georgian Dream party ayaa wajahaya cadaadis iyo eedo uga imanaya mucaaridka, kuwaas oo ku eedeeyay dowladda in ay u janjeersatay dhanka kalitalisnimada, iyo in ay toos ula xiratay oo ay u taageerto siyaasadaha dowladda Ruushka.
Mucaaridka ayaa u janjeeraha dhanka Reer Galbeedka. Qeyla-dhaantooda ayaana sii xoogeysatay, wixi ka danbeeyay Khamiistii, markaas oo ay dowladda Georgia ku dhawaaqday in muddo afar sano ah ay hakisay wadahadallada ka mid noqoshada ururka Midowga Yurub.
Taasi ayaana keentay in kumannaan qof oo taageersan ku biirista Midowga Yurub ee Geirgia ay waddooyinka isugu soo baxaan. Booliska ayaa adeegsaday suntan dadka ka ilmeysiisa iyo biyaha dadka riixa.