Ciidamada Booliska dowladda Federaalka,kuwa Koonfur Galbeed ayaa Gudaha Magalada Baydhabo waxa ay Maanta ka sameeyeen howlgallo ay uga hortagayeen dadka Magaaladaasi banaanbaxa ka dhigayay.
Saakay ayaa maalintii Saddexaad waxaa Baydhabo dibadbax ka dhigay taageerayaasha Muqtaar Roobow,hayeeshee waxaa bananaanbaxaas si awood ah ku joojiyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa K/Galbeed.
Wararka aan Baydhabo ka heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadu ay xasbiga dhigeen in ka badan 300 oo Ruux kuwaas oo qeyb ka ahaa dadka banaanbaxa ka dhigayay Magalada Baydhabo.
Ciidamada ayaa sidoo kale kala eryay qaar ka mid ah banaanbaxayasha,waxaana wariyeyaasha ku sugan Magalada Baydhabo ay soo sheegayaan in xaaladu iminka ay tahay mid degan,isla markaana goobaha qaar ee Ganacsiga dib loo furay.
Xaalada Magalada Baydhabo ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxa ay aheyd mid kacsan kadib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaaladaas  si awood ah uga soo kaxeysay Muqtaar roobow kaas oo ka mid ahaa musharixiinta Madaxweynaha Maamulkaas.