Banaanbax looga horjeedo dagaalada soo noqnoqday ee degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dhexmara Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan ka socda bartamaha degmadaas Kaaraan.
Dadweyne farabadan oo isugu soo baxay meel ku dhow Saldhiga Kaaraan ayaa dhigaya banaanbaxa socda, isla markaana uga soo horjeeda dagaalada xiliyada qaarkood degmadaas ku dhexmara Ciidamo kala taabacsan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka.
Qaar kamid ah dadka dhigaya banaanbaxa ayaa taayaro waaweyn ku gubaya wadada laamiga ah, iyagoona ka careysan dadkaas dagaalada geysta khasaaraha ee dhaca, waxaana ay dalbadeen in wax laga qabto dagaalada oo soo noqnoqday.
Shalay ayey aheyd markii Ciidamo ka wada tirsan kuwa Milateriga dowladda uu dagaal xoogan ku dhexmaray xaafadda Sheekh Aadan Dheere ee degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, waxaana dagaalkaas uu geystay khasaaro dhaawacyo ah.
Marar kala duwan oo horey ayey Ciidamo ay kala hoggaamiyaan korneyl Saneey Cabdulle iyo Cismaan Xadoole ku dagaalameen xaafaddo ka tirsan degmada Kaaraan, iyagoona la sheegay in dagaaladooda uu inta badan salka ku haayo dhul iyo kaawooyin ku yaalla deegaano ku dhow degmadaas.