Xoghayaha Guud ee QM ee xilka ka sii degayo, Ban Ki-moon waxa uu ka guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo Wakiilka cusub ee Somalia u fadhin doona QM, Yuusuf Garaad Cumar Axmed.
Qaabilaadaasi oo ka dhacday Xaruna Dhexe ee QM ee magaalladda New York, waxay Ban Ki-moon iyo Yuusuf Garaad ka wada hadleen Xaalladda Somalia iyo Taageeradda ay QM ka geysanayso Soo-celinta Nabadda iyo Hawlaha Gargaarka Aadminimo ee Somalia.
Ban Ki-moon oo ka hadlay Munaasabaddaasi waxa uu boigaadiyey Horumarka Somalia iyo dadaalka loogu jiro sidii Somalia loogu so odabaali lahaa Xasilooni buuxda iyo sidii ay u hanaqaadi lahayd Dowlanimadda dhamaystiran ee Somalia.
Qaabilaadaasi waxaa goobjoog ka ahaa Maxamed Rabiic Yusuf oo ka mid ah Diplomaasiyiinta Ergadda Somalia u joogta Xarunta QM ee magaalladda New York.
Dhinaca kale, Wakiilka cusub ee Somalia u fadhin doona QM, Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa Blog-iisa ayuu ku sheegay inuu Ban Ki-moon uga mahad celiyey dadaalkiisa ku aadan Arrimaha Somalia.
Waxa uu Yuusuf Garaad xusay in Somalia horumar ka gaartay arrimaha Siyaasadda, gaar ahaan Doorashooyinka dhawaan la soo dhamaystiri doono iyo qorshaha Doorashadda qof iyo codkiisa ee sannadka 2020-ka.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Yuusuf Garaad oo horey u ahaa Tifafirihii Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Somalia u magacaabay Wakiilka Somalia u joogi doona QM.
©Radio Dalsan