Arnel Balbero oo ka mid ah Badmaaxinta la sii daayey ayaa sheegay in lagu khasbi jirey inay cunaan wax kasta oo ay heli karaan, si ay u sii noolaadaan.
Isagoo la hadlayey BBC-da ayuu sheegay inay cuni jireen Dooliga, lana siin jirey xoogaa biyo ah maalin kasta.
Waxa uu tilmaamay inay Burcad-baddeeda ula dhaqmeen Badmaaxiinta sidii Xayawaanka oo kale.
Badmaaxiinta la sii daayey waxay haatan ku sugan yihiin Nairobi, iyadoo la filayo inay u kala dhoofaan dalalka ay ka soo kala jeedaan.
©Radio Dalsan