Sharci-dejiyayaasha Pakistan ayaa maanta u doortay Shehbaz Sharif inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub kadib markii Axaddii xilka laga tuuray Imran Khan oo iska casilay kursigiisa golaha qaranka — isaga iyo inta badan xubnaha xisbigiisa — kahor codeynta.
Khan ayaa xilka laga qaaday Axaddii kadib markii uu lumiyey codka kalsoonida, taasi oo dhabbaha u xaartay isbaheysi lama filaan ah oo hadda wajahaya caqabado la mid ah kuwii la degay Khan.
Sharif, oo hoggaamiya xisbiga Pakistan Muslim League-N (PML-N), ayaa ahaa musharaxa kaliya kadib markii wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Shah Mahmood Qureshi oo daacad u ah Khan uu ka laabtay musharaxnimadiisa iskana casilay kursigiisa.
“Waa guul usoo hoyatay wanaagga, xumaantana waa laga guuleystay,†ayuu yiri Sharif oo la hadlay sharci-dejiyayaasha.
Xisbiga Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ayaa 155 sharci-dejiye ku lahaa baarlamanka ka kooban 342-ka kursi kahor inta aanay badankood is-casilin, waxaana Shariif lagu doortay 174 cod.
Shaqada ugu horrreysa ee Sharif ayaa noqon doonta inuu soo dhiso gole wasiir oo ay xubno badan ka heli doona axisbiga siyaasadda midig-dhexe ee PPP iyo kan midigta ee Jamiat-ulema-e-Islam-F (JUI-F), oo xulufo la ah xisbigiisa.