NAIROBI, Kenya (Dalsan Media) — Xildhibaanada Kenya ayaa ansixiyay mooshin xilka looga qaadayo madaxweyne ku xigeenka dalkaasi, kadib dood dheer oo maalintii talaadada oo dhan socotay iyadoo uu Rigathi Gachagua uu kasoo hormuuqday baarlamaanka si uu isaga difaaco eedaha loo haysto, oo ay ka mid yihiin inuu taageeray bannaanbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda ee dhacay bishii Juun ee sannadkan.
Mooshinka waxaa lagu ansixiyay cod aqlabiyad ah oo ahaa 281 mudane oo u codeeyay halka ay diideen 44 xildhibaan, hal mudane ayaa ka aamusay taas oo aad uga badan cadadka codadka uu dastuurku farayo oo ah 117 cod. Mooshinka hadda wuxuu u gudbayaa aqalka sare ee baarlamaanka, halkaas oo dood laga geli doono ka dibna la qaadi doono codeyn kale.
Si xil ka qaadista loo soo gabagabeeyo, waxay u baahan doontaa ayidaadda laba meelood saddex (2/3) ee xubnaha aqalka sare. Ma cadda goorta la qaban doono cod bixintaas.
Sida uu qabo dastuurka Kenya, xil ka qaadista waa mid rasmi ah haddii labada aqalba ansixiyaan, in kastoo Gachagua uu maxkamad ka dacwoon karo — taas oo uu sheegay inuu samayn doono.
Madaxweyne ku xigeenka waxaa sidoo kale lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo ku lug lahaansho falal kale oo sharci darro ah. Wuxuuna beeniyay dhammaan eedaha loo jeediyay.
Doodda ku saabsan mustaqbalkiisa waxay bannaanka uga baxday aqalka baarlamaanka — dad taageersan iyo kuwo mucaaradsan mooshinka – ayaa iskula dhacay todobaadkii hore fagaarayaasha, kadib markii isbahaysiga talada haya uu baarlamaanka horgeeyay mooshinka.
Khudbadiisii, Gachagua wuxuu ku sheegay inuu “ku jiro geeddi-socod siyaasadeed†wuxuuna ka codsaday xildhibaanada inay go’aankooda gaaraan “iyagoon la cabsi gelin ama la qasbin.†Isniintii, madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay inuu rumaysan yahay in mooshinku uu gadaal ka riixayo madaxweynaha William Ruto, isagoona ka dalbaday in uu cafis u fidiyo.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in laga yaabo in xilkan uu qabto siyaasiyaga Soomaaliga ah ee Aadan Barre Ducaale. Haddii ay taasi dhacdana waxa ay ka dhigaysaa in markii ugu horreysay uu mas’uul Soomaali ah gaaro darajadaasi.
Wararka xiisaddan siyaasadeed ku saabsan halkan ayaad kala socon doontaan.