Golaha Barlamaanka  dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo maanta fadhigii labaad ku ansixiyay Miisaaniyad sanadeedka 2024-ka ee Hirshabelle taas oo dhan $20,013,662.99 Million.
Kulanka oo su’aalo ku bilowday xildhibaanadu soo jeediyeen iyo wasiirka Wasaarada Maaliyadda oo ka wada jawaabay dhamaan su’aalahi la xiriiray miisaaniyada, kadib ayaa cod loo qaaday.
Fadhiga barlamaanka waxaa soo xaadiray 72 xubnood, waxaa ogalaatay xubin, waxaa diiday 1 xubin, waxaa ka aamusay 1 xubin.
Kulanka waxaa Shir-Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Barlamaanka Dowlada Hirshabelle Mudane: Abdihakim Haji Luqman Mohamed, oo aay wehliyaan labadiis ku Xigeen ee Golaha Barlamaanka Hirshabelle.
Miisaniyadaan ayaa waxa horay u ansixiyay golaha
Wasiirada Dowlada Hirshabelle- October-24-2023.Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Hirsbabelle Abdirahim Isse Addow, ayaa ansixinta kadib u mahad celiyay Gudoonka barlamaanka iyo dhamaan xubnaha Golaha Barlamaanka, sida aqlabiyada leh ee ay u ansixiyeen miisaaniyad sanadeedka 2024.