Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa Maanta kulankii Kulankii 9-aad ee kalfadhigii afaraad ku yeeshay xildhibaanada baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle kaas oo ay uga hadleen qodobo dhowr ah.
Kulanka waxaa Maanta hortegay oo Baarlamaanka ay Su’aalo lagu weeydiiyeen Wasiirka Cadaaladda Maamulka Hir-Shabeelle Cawaale Ciimoow Cabdi.
Xildhibaan ka tirsan baarlaamanka Hir-Shabeelle oo kulanka goobjoog ka ahaa ayaa Dalsan u sheegay in Wasiirka ay Maanta weeydiiyeen Su’aalo ay ka mid ahaayeen Maxaabiista ku xir xiran Xabsiga Magalada Jowhar iyo habka loo maray dhismaha garsoorka maamulka Hir-Shabeelle.
Sidoo kale waxa uu sheegay in su’aalo weeydiinta Wasiirka ka dib  ay baarlamanka Hir-Shabeelle Go’aan ku gaareen in la kala diro Dhammaan Xubnaha Garsoorka Hir-Shabeelle oo ay hoostagaan Maxkamada Caasimadaha iyo kuwa degmooyinka.
Sababta ay Garsoorka u kala direen Xildhibaanada Hir-Shabeelle ayaa waxa ay ku sheegeen in Wasiirku uusan keenin Hindise-sharciyeedkii uu u mari lahaa hanaanka Magacaabista Garsoorayaasha Maxkamada Maamulka Hir-Shabeelle.