Barlamaanka Carbeed oo maanta yeeshay Kulan Degdeg ah waxay kaga soo horJeesteen Go’aan ay Barlamaanka EU-da kaga hadleen xiisadda Moroko iyo Spain ee ku aadan Lahaanshaha Deegaanadda Sebtah and Melilah ee Waqooyiga Moroko, waxayna taageero u muuJiyeen Moroko.
Deegaanadaasi oo ay Spain ku magacaabaan KEUTA waxa uu ku hareeraysan dhul Biyood ay Spain leedahay.
Barlamaanka Carbeed waxay sheegeen inay WaaJibkooda yahay inay difaacaan Madax-banaanida iyo xuduudaha dalka Moroko.
Dhinaca kale, Xiisadda Diplomaasiyadeed ee Moroko iyo Spain waxay timid, kadib, markii ay Dowladda Spain soo dhaweysay, isla markaana dalkeeda lag daaweeyey Hoggaamiyaha Jabhada Gooni-goosadka dhulka Saxaraha Moroko ee Polasaariyo, Ibraahim Qaali.