Baraayaal ka socda Waaxda Dembi-baarista Britain iyo Khubaro kale ayaa ku biiray Baarayaasha Kenya ee ku hawlan sidii loo aqoonsan lahaa Jihadiste British oo ka mid ahaa Dagaalamayaal Alshabaab oo lagu dilay weerar ka dhacay duleedka Laamu.
Baarayaasha waxaa loo gudbiyey muunado dhinaca Faraha iyo Dheecaanka DNA-da oo  laga soo qaaday maydka Jihadistahaasi oo la oran jirey Thomas Evans, balse markii uu muslimay la baxay Cabdul Xakiim.
Marxuumkaasi oo soo islaamay markii uu 19-jirka ahaa ayaa waxa uu Dagaalamayaasha Alshabaab ku soo biiray sannadkii 2011-kii.
Hooyadiisa oo lagu magacaabo Salli Evans oo 56 jir ah ayaa horey u sheegtay inay doonayso in la soo qabto, lana xiro wiilkeeda, ka hor inta uusan dhimanin isagoo Jihaadiste ah.
Ilo dhinaca Ammaanka ayaa rumeysan in ugu yaraan 50 Muwaadiniin British ah ka barbar dagaalamaan Dagaalamayaasha Alshabaab.
© Warqabadka Dalsan Radio