Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayaa markii ugu horeysay cadeeyey sababta dowladda Soomaaliya ay u fulin la’dahay Xukunada dilalka ah oo ay ridaan Maxkamada Ciidamadaha dalka.
Isaga oo hadal ka jeedinayey Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ee Kismaayo ayuu sheegay in Madaxda Dowladda midkasta uu heystso Baasabooro Wadamada Shisheeye,isla markaana ay ka baqdin qabaan in dambiyo looga qabsado wadamadaaas.
Wuxuu sheegay madaxda Passporada ay haystaan iyo dalalka ay ka yimaadeen in aan laga ogoleyn fulinta xukunada dilalka ah ee lagu fuliyo shaqsiyaadka kala duwan ee dambiyada gala.
“Markii aan dib u eegno xukunada ay ridaan Maxkamada Ciidamada ee dalka iyo sababta loo fulin la’yahay,madaxdeena ayaa heysata Baasabooro Shisheeye dalkaasina lagama ogola xukunka dilka ah,waxayna kordhineysaa Al-Shabaab awoodooda ayuu yiri Axmed Madoobe.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu tusaalo u soo qaatay in Madaxweynaha Soomaaliya uu heysto dhalshada dalka Mareykanka iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo heysta tan dalka Norway,isla markaana dalalkaas aan laga ogoleyn xukunada dilalka ah.