Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida  Mustafa Muxumed Cumar ayaa Caawa Magaalada Addis Ababa casho Sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdigiisa booqashada ku jooga dalka Itoobiya.
Casho Sharafta kadib masuuliyiinta ayaa yeeshay wada hadalo miro dhal ah oo lagaga hadlay iskaashiga labada dhinac ee amniga xuduudaha, dhaqaalaha iyo wadaaga khibradaha Hay’adaha kala duwan.