Guddoomiyihii hore ee Degmadda Wadajir, ahna Musharax Xildhibaan, Md. Axmed Xasan Caddow “Axmed Daaci†oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in laga gudbay Xildhibaanadda lagu soo dooran jirey Qoriga iyo Dagaalladda, isla markaana uu Qof kasta haatan xilkaasi ku heli karo Aftahanimo, Xodxodasho iyo inuu Kharaj ku bixiyo si uu Xildhibaan u noqdo.
Waxa uu tilmaamay in Xildhibaanimaddu noqotay mid lagu helayo Garab-taabasho, wuxuuna ku kaftamay inuu furayo  Boorsadda Lacagta, si loogu doorto Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka soo socda.
Siyaasiga Axmed Daaci waxa uu is-barbar dhigay Nidaamka haatan lagu soo xulayo Xildhibaanadda iyo Xilligii Hoggaamiye-kooxeedyadda ee horey loo soo maray.
Waxa kale oo uu Wareysigiisa kaga hadlay Hawlaha Guddiga Doorashadda Dadban, Nidaamka Federalka iyo sida ay Maamul-gobaleedyadda u soo xulayaan xubnaha dadka ka mid noqonayo Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo Siyaasiyiinta u xusul-duubayo Xildhibaanimadda Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda xilkaasi ku raadinayaan xeellad kasta si ay Odayaasha wax soo xulayo uga daraan Liiska Xildhibaanimadda.
©Radio Dalsan