Cadadkii shalay ee Wargeyska Maalinlaha ee The Monitor kana soo baxa magaalladda Kampala ayaa  qoray in Askarigaasi oo lagu magacaabo Majibu Ssebyara hataan ku xiran yahay Xeradda Makindye ee duleedka magaalladda Kampala, isagoo la xanuunsan jir-dilkii loo geystay, isla markaana ay ka qulqulayaan Saxarada iyo Kaadi dhiig leh.
Askarigaasi ayaa la sheegay in bishii June 12-dii ee sannadkii hore lagu xiray Saldhig ay Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Taliska AMISOM ku leeyihiin Gobalka Sh/hoose, kadib, markii la waayey Sanduuq uu ku jiray Rasaasta Lidka Diyaaradaha ee cabirkoodu yahay 12.7 mm.
Saraakiisha Saldhiggaasi ayaa ogaa inay dhibaato la kulmi doonaan haddii ay ku fashilmaan in lagula xisaabtamo 85 xabadaha la la’ yahay iyo inay xaalladda ku xumaan doonto Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah AMISOM haddii ay rasaastaasi ugu dambeyn u gacan galaan Dagaalamayaasha Alshabaab.
Baarayaasha Milliteriga waxay farta ku fiiqeen inuu raadka rasaasta la la’ yahay soo galay Askariga Majibu Ssebyara oo isagu ahaa Gaaneri ka mid ahaa Askarta Uganda ee Somalia yimid sannadkii 2014-kii.
Wargeyska The Monitor waxa kale ee uu qoray in qof Deegaanka oo aan la carabaabin u sheegay Baarayaasha Ciiddanka Uganda in Askari la xiray uu isagu weydiistay lacag dhan Kun Dollar si uu ugu beedesho Rasaastaas, balse uusan xilligaasi haysanin Kharajka.
Saraakiisha Baarayaasha waxay sheegeen inay hayaan Caddaymo Muuqaalo Video ah, balse ma aysan u gudbin Maxkamadda.
Askarigaasi oo haatan xiran 2 sanno iyo bar ayaan weli xiran, isagoo Xabsiga kala kulmay Jirdil aad u xanuun badan.
Qoraal uu bishii August 8-dii ee sannadkan uu u qoray Maxkamadda Sare ee Uganda ayuu ku sheegay in la qaawiyey, la aflagaadeeyey, in laga soo lalmin jirey meel sare, laguna rari jirey jawaan laga buuxiyey 15-Kiilo oo Carro ah iyo in laga garaaci jirey qeybaha muhiimka u ah ragga.
Qoraalo dhinaca Caafimaadka oo ay soo kala saareen Dhakhaatiirta ka hawl-gasha Isbitaaladda Nakasero Hospital iyo Bombo Military Hospital ayaa lagu muujiyey in Askarigaasi laga jir-dilay Qeybta Ragganimadda
Dhinaca kale, Afhayeenka Milliteriga Uganda, Kolonel Paddy Ankunda oo la hadlay Wargeyska The Monitor ayaa sheegay inay Ciiddanku baari doonaan Eedeymaha Jir-dilka ee uu sheegtay Askarigaasi.
Xigash: Daily Monitor
©Radio Dalsan
Â