Axmed Baashane taliayaha Booliska saldhiga degmada C/Casiis ayaa Radio Dalsan u sheegay inuu xiray galabkii khamista askari dhaawacay oo xabad ku dhuftay eey ilaalo ka ahaa maqaayada Beach View ee Xeebta Liido kadib Markii ay soo dacweeyeen maamulka maqaayada.
Baashane ayaa sheegay in askariga la sii daayey saaka oo sabti ah ,waxuuna sheegay in xarigiisa ay ka dambeysay mari ay soo waceen maamulka maqaayada .
Askariga ayaa dhaawacay eeyga markii uu qeliyey xiligaas oo uu la lugeynayey qoreygiisa Xeebta oo dad badan ay u damaaashad tagayeen labadii cisho ee la soo dhaafay.
Dad badan ayaa baraha bulshada kaga doodayay arinta xariga askariga waxuuna noqday mowduuc iyadoo dad ku aragti kala duwan ay isku dhaafsanayeen.