Askari ka tirsanaa ciidanka ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa xalay afaafka hore ee xarunta degmada Yaaqshiid ku dilay mid kamid ah ciidanka NISA gaar ahaan ilaalada shacabka ee loo yaqaan dharcadka.
Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dilkaan uu yimid kadib markii askariga ilaalada shacabka ahaa iyo qaar kamid ah ilaalada Duqa Muqdisho uu soo kala dhex-galay muran markii dambe gaaray in rasaas lagu furo askariga dharcadka ahaa.
Sidoo kale waxaa la tilmaamay in askariga ilaalada shacabka ahaa oo watay Bastoolad uu orad ku yimid afaafka hore ee xarunta degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir oo ay joogeen ilaalada Duqa Muqdisho, xaruntaasi uu ku jiray Guddoomiyaha Gobolka.
Askariga falka geystay ayaa isaga tagay goobta, isagoona horey usii raacay kolonyo galbineysay Guddoomiye Madaale oo xalay Yaaqshiid u tagay xarig jarka xarunta dad-dhigista dowladda hoose Xamar ee degmooyinka qeybta Bari oo laga hirgaliyay degmadaas.
Saraakiil ka tirsan ciidanka NISA ayaa dalbaday in gacanta lagu soo dhigo askariga falka geystay, ma ahan markii ugu horreeysay oo ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay dil geystaan, waxaana mid kamid ah ilaalada uu dhawaan dilay darawal gaari.