Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay Askari kamid ah ciidanka Booliska oo Maanta Askari hore ku dilay Muqdisho gaar ahaan xaafadda Xaawo-taako ee  degmada Wadajir.
Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in Eedeysane Boliis, Mowliid Maxamuud Axmed oo ku eedeeysan dilka marxuum – Boliis Daahir Cabdi Axmed la xiray, isla markaana cadaalada la horgeyn doono Askariga.
“Maanta 20 Jan 2024, abaare 14:00 PM, ayaa la dilay Marxuum ex- Boliis Daahir Cabdi Axmed, ina Salaado Maxamed Geedi 45 jir ku dhashay Mudug, deganaa Wadajir, kaas oo lagu dilay Degmada Wadajir gaar ahaan waaxda Xaawo-taako†ayuu yiri Afhayeenka.
Sidoo kale Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa intaas kusii daray “Eedeysane Boliis, Moowliid Maxamuud Axmed, oo ku eedeeysan dilka marxuumka, ayaa Ciidamada Amaanku gacanta ku dhigeen, hadana wuu xiranyahay, waxaan ku socota baarista si cadaalada loo horgeeyoâ€.
Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sheegay inay ka xun yihiin dhacdadaas foosha xun ee Maanta lagu dilay Marxuum ex- Boliis Daahir Cabdi Axmed, wuxuuna Taliska xusay in Eedeysanaha si deg deg ah cadaalada ku wajahayo.