Iyadoo Magaalada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud Maanta lagu qisaasay Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) oo dhawaan halkaas ku dilay Allaha u Naxariistee Taliye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug G/le Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis Xaawo Cumar Geelle, ayaa waxaa mar kale maanta Magaaladaasi ka dhacay weerar khasaaro badan dhaliyay oo salka ku haya Xiisad ka dhalatay dilka Toogashada ah ee lagu fuliyay Gacan ku dhiiglaha.
Wararka ayaa sheegaya in weerar jid gooyo ah lagu sameeyay Ciidanka Dowladda oo siday sida la sheegay Meydka Askariga Saaka lagu Qisaasay Magaalad Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Dabley hubeysan oo ay isku heyb-yihiin Askariga la toogtay ayaa Waddada u galay gaadiidka ay la socden Ciidanka Dowladda, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidanka NISA.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada labo Askari oo ka tirsan Ciidankii Meydka Askariga waday, waxaana dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen tiro intaa ka badan, sida ay tibaaxayaan wararka aynu ka heleyno Magaalada Caabudwaad ee Gobolka Galgaduud.
Togashada lagu fuliyay Askariga ayaa timid kadib markii dhawaan Magaalada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud uu ku dilay Allaha u Naxariistee Taliye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug G/le Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis Xaawo Cumar Geelle.
Waxaana Howlgallo ay sameeyeen Ciidanka Dowlaadda lagu guulaystay in ay gacanta ku dhigaan gacan ku dhiiglaha, kaasi oo ugu tambeyntii goob fagaare ah lagu qisaasay.