Afhayeenadda Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, Kabtan Flavia Telimulungi ayaa sheegtay inay 2 Askari kaga dhaawacantay qaraxyadii mataanaha ee ay Alshabaab shalay la beegsadeen Xarunta ugu weyn ee Hawlgalka AMISOM.
Afhayeenadda oo Khadka Telefoonka kula hadashay Wargeyska Daily Monitor ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayey tilmaamtay inay Askartaasi ku dfhaawacmeen, kadib, markii 2 gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lala beegsaday Askarta Uganda ee ilaalada ka haysay Albaabka weyn ee laga soo galo ee Saldhigga AMISOM ee Xalane.
Waxay intaasi ku dartay inay dhaawacyo fudud soo gaareen Askartaasi,waxayna beenisay inay Askar Ugandese ah ku geeriyoodeen Qaraxyadaasi.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay Isqarxintii Mataanaha ee shalay subax lala beegsaday Xarunta AMISOM oo ay ku yaallaan Xafiisyadda QM, kuwa Hay’addaha Samafalka Caalamiga.
Qaraxyadaasi ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa 15 qof oo ay ku jiraan Ciiddamadda AMISOM iyo Qandaraaslayaasha dhinaca Ammaaanka ee Xeradaasi.Â
©Radio Dalsan
Â