Sarkaal Duuliye ah iyo Askari kale oo ka tirsan Ciiddanka Cirka ayaa maanta oo Khamiis ah lagu fuliyey Xukun Dil, sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalka Boqortooyada Sacuudiga.
Labada Eedeysane ayaa waxaa la sheegay inay galeen Falal waa weyn oo Khiyaano Ciiddan.
Wakaallada Wararka Sacuudiga ee SPA oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa waxaa magacyada Askarta maanta la dilay lagu kala sheegay Duuliye G/Sare Majid Bin Musa Awad Al-Balawi iyo Saddex Alifle Yuusuf Bin Ridaa Xasan Al-Caswani .
Labada Askari ee maanta lagu fuliyey Xukunka dilka ayaa waxay xirnaayeen tan iyo bishii September ee sanadkii 2017-kii, waxayna Baarayaasha Milliteriga dalkaasi sheegeen in Eedeysanayaashaasi galeen Khiyaano Milliteri oo aysan ilaalinin Maslaxada Qaranka iyo Sharafta Ciiddanka.