In ka badan 5 Askari oo Kenyan ah ayaa la sheegay in laga daaweynayo dhaawacyo ka soo garaay kadib,markii ay miino la kacday Taangi ay la socdeen oo marayey  Deegaanka Ishakani ee Bariga magaalladda Laamu ee Kenya.
Ciiddankaasi ayaa ku hawlanaa sidii ay Kaymaha uga jari lahaayeen deegaanka laga dhisayo Derbiga dhinaca Ammaanka ee laga dhisayo xuduudka ay Kenya la wadaagto Somalia.
Ilo Boliska Kenya ayaa sheegay inuu khasaaro xooggan soo garaay Taangiga dul maray Miinadda, iyadoo Taangigu noqday mid aan dib loo adeegsan Karin.
Dhinaca kale, Taliyaha Ammaanka Laamu, Joseph Kanyiri ayaa sheegay inay baarayaan khasaaraha ka dhashay Qaraxaas.
Xarakadda Alshabaab ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen miinadda waxyeelladda gaarsiisay Tangiga ay Ciiddanka Kenya lahaayeen.
Bishan July 10-dii, in ka badan 10 ka tirsan Boliska GSU ee Kenya ayaa ka badbaaday qarax miino oo ay Alshabaab la beegsadeen Gaari ay wateen oo marayey Degaanka Baure ee Bariga magaalladda Laamu.
Alshabaab ayaa bedeshay xeeladaha dagaal ee ay ka fuliyaan gudaha Kenya iyo dhulka xuduudka ee ay Kenya la wadaagto Somalia.
©Radio Dalsan
Â