Askar ka tirsan Ciiddanka AMISOM oo ka caraysnaa qarax ay Xarakadda Alshabaab gelinkii dambe ee shalay la eegteen Gaari AMISOM oo marayey Degaanka Muuri ee Gobalka Sh/hoose ayaa waxay si bareer ah u dileen Dad Xoolo-dhaqato iyo beerlay ah oo ku sugnaa Deegaankaasi.
Goobjooge lagu magacaabo Ibraahim Cali Cabdi oo u waramay Radio Dalsan ayaa sheegay inay Askarta AMISOM toogasho ku dileen 3 qof oo rayid ah, kuwaasi oo isugu jiray Xoolo-dhaqto iyo Beeraley biyo ka dhaansanaysay Ceel ku yaalla Deegaankaasi.
Goobjoogaha waxa uu sheegay inay Toogashadaasi dhacday, kadib, markii Gaari Gaashaaman oo ay la socdeen AMISOM lagu qarxiyey Deegaankaasi.
Xarakadda Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen qaraxa lagu burburiyey Gaariga AMISOM.
Dhinaca kale, Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay Radio Dalsan u xaqiijiyeen in Askartii Ciiddanka AMISOM horey u sii  kaxeysteen 7 qof oo rayid ah, kuwaasi oo ka mid ahaa dadkii ka dhaansanayey Ceel-biyoodka.
Magacyadda Dadka Rayidka ee ay Ciiddanka AMISOM ka soo kaxaysteen Deegaanka Muuri ayaa waxaa ka mid ah:- Nuur Cali Nuur, Ibraahim Cali Nuur iyo Maxaad Muxiyadiin Maxaad Hilowle, kuwaasi oo haatan ku xiran Xarunta Taliska AMISOM ku leeyihiin Xeradda Xalane ee magaalladda Muqdisho
Si kastaba ha ahaatee, Taliska AMISOM weli wax ah kama soo saarin Tacadiga Dilka iyo Afduubka ee ay Ciiddankooda shalay u geysteen Dad Xoolo-dhaqato iyo Beeralay ah oo ka mid ah dadka ku nool Tuulladda Muuri ee Gobalka Sh/hoose, mana aha markii ugu horreysay oo ay Askarta AMISOM geystaan Tacadiyadaasi.
©Radio Dalsan
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â