Taliska dhexe ee Ciidanka Mareykanka ayaa waxay gelinkii dambe ee shalay oo Isniin ahayd sheegeen inay 22 Askari ku dhaawacmeen Shil diyaarad Helikobtar oo maalintii Axadda ee bishan June 11-dii ka dhacay Waqooyiga Bari ee dalka Syria.
10 ka mid ah Askarta uu dhaawacu soo gaaray ayaa la sheegay in lagu daaweynayo Xarun ku taalla meel ka baxsan Mandiqada.
Taliska dhexe ee Milliteriga Maraykanka ayaa waxay sheegeen inay bilaabeen Baaritaanka Shilkaasi, waxayna meesha ka saareen in diyaaradda Helikobtarka la toogtay ama ay ku dhaceen rasaas caadi ah.