Guddoomiyaha Guddiga Farsamadda ee Xisbiga Kulan Party, Dr. Abdishakur Sh. Hassan Faqih ayaa soo saaray War Saxafadeed uu kaga hadlay Kala shakiga soo kala dhex galay Xubnaha Xisbiga Kulan iyo sida loogu baahan yahay in la badbaadiyo.
Nuqul ka mid ah Qoraalkaasi oo E-mail ahaan lagu soo diray Idaacadda Dalsan ayaa waxaa lagu sheegay in ay Asaasayaasha Xisbiga Kulan Party waqti badan iyo juhdi badan geliyeen si loo asaaso Xisbi loo dhan yahay oo Xeerar ku shaqeeya.
Qoraalka waxaa lagu xusay in Xisbiga Kulan Party oo la asaasay muddo sannad iyo dheeraad ayaa ah in xuquuda Xisbiga ay Aasaasayaasha u wada siman yihiin, iyadoo aad looga fekeray inuusan fashilmin Xisbiga.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in aan la ilaalinin Xeerka iyo Dastuurka Xisbiga, iyadoo ay dhowr qof siday doonaan ka yeelaan, isla markaana uusan jirin Gole Dhexe oo Kooram ku shaqeeya, Guddi Fulin oo dhamaystiran oo Ajendo gaar ah fulinaya
War Saxaafadeedka ayaa lagu muujiyey in ay xubnaha Xisbiga xaliyeen khilaafyo badan, iyadoo uu Xisbigu haatan u xuub siibtay mid Ajende gaar ah ka dambeyso oo uu qof gaar ah leeyahay, sidaasina uu Maamulkiisa ku fashilmay.
Dr. Abdishakur Sh. Hassan Faqih waxa u u qoraalkiisa ku caddeeyey inay habboon tahay in wax la saxo, isla markaana uu aaminsan yahay in dib wax loo hagaajin karo, si loo ilaaliyo inuusan Xisbigu fashilmin.
Guddoomiyaha Guddiga Farsamadda ee Xisbiga Kulan Party, Dr. Abdishakur Sh. Hassan Faqih waxa uu qoraalkiisa ku muujiyey inuu kula taliyey Ustaad Barnaamij inuusan Guddoomiye ka noqonin Xisbiga Kulan Party, iyadoo ay dad badan oo Soomaali ah u arkayeen inay arrintaasi Ajende ka dambeyso.
War Saxaafadeedka waxa uu Guddoomiyaha Guddiga Farsamadda ee Xisbiga Kulan Party, Dr. Abdishakur Sh. Hassan Faqih ku sheegay inuu isagu soo taabtay shakigii uu ka qabay in Xisbiga laga lahaa Barnaamij gaar lahaa oo hadda lagu shaqeynayo.
Waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la badbaadiyo Xisbiga, laguna soo laabto Xeerka lagu dhisay Xisbiga Kulan Party.
War-saxaafadeedka waxaa ku saxiixnaa Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Xosbiga Kulan Party,Dr.Abdishakur Sh. Hassan Faqih
© Warqabadka Dalsan Radio