Dawladda Soomaaliya ayaa maamul ahaan u aqoonsatey SSC Khaatumo,kadib markii ciidamadda maamulka Soomaaliland laga xoreyeey laascaanood,waxaana durba ka bilaabmey kaabayaasha dawladda waxaana markan si rasmi ah u gaadhaya adeegyada dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.
Iyada oo la filayo in Maalinta Berito ah guud ahaan dalka marka laga reebo degaannada Maamulada Puntland iyo Somaliland uu si isku mid ah uga billaawdo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada sare oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada soomaaliya ayaa sanadkaan markii ugu horreysay waxaa ka qeyb galaya ardayda kunool degaannada Maamulka Khaatuma.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Nuuro Mustaf Mukhtaar in dhawaan degaannada Maamulka Khaatuma iyo kuwa laga xorreeyay Al-Shabaab la geeyay Manhajka waxbarashada dalka, isla markaana imtixaanka sanadkaan ay ka qeyb geli doonaan.
Waxaa ay sheegtay in guud ahaan la gaarsiin doono imtixaanka degmooyinka iyo degaannadii ugu dambeeyay ee laga saaray ururka Al-Shabaab, halkaas oo dib loo howlgeliyay Goobihii waxbarashada.
Si kastaba sanad kasta dowladda Soomaaliya ayaa qaada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga, waxaana ka qeyb gala Boqolaal Kun oo Arday, kuwaas oo ku kala sugan Muqdisho iyo Gobolada dalka.