Waxaa maalintii saddexaad ku xiran qaar ka mid xabsiyada magaalada Hargeysa arday muddaharaad ka samaysay aafaafka xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland.
Ardaydan ayaa ka cabanaysay shaqo joojin wasaaraddaasi ku samaysay maamulahoodii dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Faarax oomaar.
Dugsiga Faarax Oomaar ayaa ka mid ah dugsiyadda dawladda ee hoos taga wasaaradda waxbarashada Somaliland ee ku yaalla Magaalada Hargeysa.
Dad kala duwan oo ay ka mid yihiin xisbiyada mucaaradka, waalidiintii ardaydaas iyo dad kaleba ayaa ka dalbanayay dawladda in ardaydaas xorriyadoodii loo soo celiyo.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu dhaliilay tallaabadasi ay qaaden Ciidanka Somaliland, waxaana uu tilmaamay in arrintaasi ay tahay mid sharciga baalmarsan, sidoo kalena muujinaysa siyaasad xumada waxbaarshada ee mas’uuliyiinta talada haya.
“Dhacdadii ka dhacday Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar, Sabtidii 16ka October 2021 oo Xarunta guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Madaxtooyadaba u jirta wax ka yar kun tallaabo, waxa ay muujinaysaa siyaasad xummada lagu hagayo Waxbarashada dalka. Waa tusaale cad, oo horyaalla bulshada, oo bidhaaminaya karti darrada iyo maarayn xummada falcelimaha ka yimaadda go’aan cabasho ka timi arday oo ku sinnaa maamule dugsi oo la beddelay, xalka qudha ee lagu furdaamiyeyna uu ahaa xadhig, xabad, jujuub iyo addeegsi ciidan. In arday ka badan boqol la xidho waa ayaan darro weyn oo muujinaysa lexo-jeclo la’aanta jiilashii mustaqbalka. Waxa aan leeyahay Inta xidhan xorriyadooda dhakhso ha loogu soo celiyo†ayuu yiri Cabbdiraxmaan Cirro.
Ma aha markii u horraysay ee arday muddaharaad ka sameeyaan magaalada Hargeysa, dhawaan uun bay ahayd markii qaar ka mid ah ardayda dugsiga Nuuradiin ay sidaas oo kale sameeyeen iyaga ka cabanaya maamulka dugsigaas