Ardaygaasi oo lagu magacaabo Cimaaduldiin Alsayid ayaa wajahayo in la soo tarxiilo, kadib, markii ay Baarayaasha FBI-da baareen qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga, kuna sheegayo inuu doonayo inuu dilo Donald Trump oo ka mid ah Musharaxiinta Madaxtinimadda ee dalka Maraykanka.
Farriintiisa waxa kale oo uu ku muujiyey inay Caalamka oo dhan uga mahadcelin doonaan marka uu fuliyo dilkaasi.
Ardaygaasi oo 23-jir ah ayaa la sheegay inay Madaxda Socdaalka bishii hore ka qabteen magaalladda Los Angeles meel ku dhow Dugsi lagu barto Duulimaadyadda Diyaaradaha.
Wakaalladda Wararka ee AP oo Cimaaduldiin Alsayid  kula xiriirtay Khadka Telefoonka isagoo ku sugan Xabsiga, waxa uu u sheegay in sababta uu  Farriintaasi u dhigay Facebook-ga tahay isagoo aad uga carooday Hadalkii Donald Trump ee ku saabsanaa Muslimiinta.
Waxa uu sheegay inuu ka qoomameynayo Qoraalkaasi iyo inuusan marnaba ku fekerin in qof kale waxyeeleeyo.
Dhinaca kale, Ardaygaasi waxa uu berri wajahi doonaa dhegeysiga Masaafurintiisa, iyadoo ay Saraakiisha Socdaalka iyo Xoojinta Kastamka sheegeen in sababta loo xiray Ardaygaasi tahay isagoo ku xadgudbay Shuruudaha loo siiyey Fiisaha, balse wey ka gaabsadeen faahfaahin kale.
Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska
©Radio Dalsan