Is-buurashadaasi ayaa waxay ka dhacday Maktabadda Jaamacadda Kenyatta University oo ku taalla meel ku dhow magaalladda Nairobi.
Ugu yaraan 38 Arday ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen is-riixriixaasi, kadib, markii ay Ardayda baqdin ka qaadeen qeylo iyo sawaxan ay ma maqleen gudaha Dhismaha Jaamacadda.
Waxaa la sheegay inuu buuqu ahaa Arday tooreey lagu dhuftay iyo dadkii arkay oo qeylinayey, waxaana la sheegay in ay Ardayda qaarkood Dabaqa Sare ee Jaamacadda isla soo tureen, kadib, markii ay u qaateen inay Alshabaab soo weerareen Jamaacadooda.
Ma aha markii ugu horreysay oo ay Ardayda dhigata Jaamacadaha Kenya sidan oo kale is-buurtaan.
Intii u dhexeysay bilihii April 12-dii ilaa bishii December ee sannadkii hore, ugu yaraan 2 arday ayaa geeriyootay, iyadoo 191 kalen ay dhaawacyo ka soo gaareen Isbuurasho ay sababtey cabsi ay Ardayda ka qaadeen suurtogalnimadda inay Alshabaab soo weeraraan Jaamacadahooda.
Alshabaab waxay bishii April ee sannadkii hore weerareen Jamaacadda Garissa ee W/bari Kenya, waxaana halkaasi lagu dilay ugu yaraan 148 qof oo u badnaa Ardayda dhigan jirtey Jamaacadaasi.
©Radio Dalsan