Maamulayaasha Israel ayaa sheegay maanta oo Axad ah inay Dooni aysan cidna la soconin ku soo caarisay xuduud-baddeedka Israel ee Badda Mediterranean Sea, gaar ahaan Xeebaha magaallada loo dalxiis tago ee Netanya oo ku taalla Bartamaha Israel.
Ciiddanka Difaaca Israel ee IDF ayaa baarayo Qaabka ay Doonidaasi aan lala soconin ku soo gashay xuduud-baddeedka Israel.
Qoraal ka soo baxay Ciiddanka Difaaca Israel ee IDF ayaa lagu sheegay in Doonida laga helay ilaa 8 Dukumentiyo Baasabooro Somali iyo kuwo Turkish ah, cunto iyo biyo.
Wararka waxay kaloo sheegeen in ugu yaraan mid ka mid ah Aqoonsiga Dukumentiyada la helay uu ahaa ilmo yar oo ka mid ah dadka la la’ yahay ee la socday Doonida soo caarisay.
Maamulayaasha Israel waxay kaloo cabsi ka muujiyeen in laga yaabo inay maydadka Muhaajiriintii la socday Doonidaasi ay ku soo tufi doonto Badda, kadib, Doonidii soo caarisay.