Golaha Aqalka Sare ee Baalamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka ‘Aqoonsiga iyo diiwaan gelinta dadweynaha, kadib kulan ay Maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho.
28- Senator ayaa u coddeeyay ansixinta sharciga, wax diiday majiraan, wax ka amusayna ma jirin. Arrintan oo ka dhigan in muwaadin kasta ay waajib ku tahay qaadashada kaarka aqoonsiga (National ID).
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in sharcigaan uu qeyb ka noqonayo xal u helidda dhibaatada waxa loogu yeero garan-waaga, nabadgalyada, mucaamalaadka maaliyadeed, ganacsiga, dhaqdhaqaaqa muwaadinka iyo la macaamilka hey’adaha dowladda.
Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dibuheshiisiintu ayaa u mahadcelisay guddoonka iyo senatorada aqalka saree e Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ansixintooda Hindise Sharciyeedka aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.
“Wasaaradda Arrimaha guduha, waxaa u qorshaysan sanadkan gudihiisa hirgalinta hawshan qaran oo waxtarkeeda uu dareemi doono muwaadin walba oo u dhashay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya†ayaa lagu yiri Qoraal ay Wasaaraddu soo saartay.
Hindise sharciyeedkan waxaa ay golaha shacabka meelmariyeen March 1, 2023 halka golaha aqalka sarana ay maanta gudbiyeen, iyada oo u hartay saxiixa madaxweynaha, kadibna lagu daabici doono faafinta rasmiga ah.