Qoraal ay soo saareen Guddiga joogtada ee Golaha Aqalka Sare ayaa waxa ay ku shaaciyeen inay joojiyeen Wadashaqeyntii ay la lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabaka.
Qoraalka ayaa waxaa ku saxiixan Guddoomiyaha aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillahi waxaana lagu dalbaday in madaxweyne Farmaajo uu ka jawaabo cabashadooda.
Sababaha ay u hakiyeen Wadashaqeyntii ay la lahaayeen Golaha Shacabka ayaa waxa ay ku sheegeen dhowrkaan qodob oo kala ah.
1: Hareer marida habraaca dastuurka ee meelmarinta sharciga xisaab xirka.
2:- Xiriirka dibada ee baarlamaanka federalka Soomaaliya,
3: Kala dhowrista xilalka gaar ahaaneed ee labada gole iyo qoddobo kale.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddiga Joogtada Aqalka Sare.