Wakaalladda Wararka Associated Press “AP†ee laga leeyahay Maraykanka ayaa Warbixin dheer ka qortay Abdullaahi Abdisalam Borleh oo ah Ninka lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey qarixii bishan Feberaayo 2-dii ka dhex dhacay Diyaarad ay leedahay Shirkadda Daallo Airlines oo ku sii jeeday dalka Jabuuti.
Waxaana la rumeysan yahay inuu Ninkaasi adeegsaday Laptop lagu soo qariyey waxyaabaha qarxa, markii ay Diyaaradda dul-maraysay nawaaxiga Degmadda Balcad ee Gobalka Sh/dhexe.
Maydka ninkaasi oo go’go’ay ayaa laga helay Degmadda Balcad, wax yar kadib, markii uu ka dhex dusay duleel uu qaraxu sameeyey, oo cabirkiisa lagu sheegay inuu ahaa hal mitir.
Qoraa ka tirsan Wakaalladda Wararka ee AP oo lagu magacaabo Suzan Frazer kuna sugan caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ayaa qortay Maqaal ay kaga hadashay Noloshii ninka isku qarxiyey Daallo Airlines, halka uu ka yimid, waxa uu ahaa qorshaha Safarkiisa iyo sida ay Sirdoonka Somaliland isha ugu hayeen Dhaqdhaqaaqiisa intii uu Macallim Dugsiga ka ahaa magaalladda Hargeysa.
AP waxay kaloo qortay inuu Sarkaal ka tirsan Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladda Federalka Somalia u sheegay inuu Abdullaahi Abdisalam Borleh helay Fiiso uu La-taliye ahaan kaga shaqeysan karo Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Turkiga.
Wakaalladda AP waxay tilmaamtay inay heleen Nuqul ka mid ah Warqad la sheegay inay Safaaradda Somalia ee ku taalla caasimadda dalka Turkiga ee Ankara u soo dirtay Safaaradda Turkiga ku leeyihiin magaalladda Muqdisho, oo looga codsaday inay u fududeeyaan Fiisaha Abdullaahi Abdisalam Borleh oo La-taliye u noqonaya Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga “An Advisor to the Minister of Foreign Affairs and Investment Promotions.â€
Safaaradda Somalia ee magaalladda Ankara oo la hadashay AP ayaa beeniyey inay Codsi noocaasi ah u qoreen Safaaradda Turkiga ee Muqdisho, waxayna Qoraalkaasi ku tilmaamtay mid la been abuuray.
Wakaalladda Wararka AP waxay tilmaamtay inay dhowr jeer la xiriireen Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga ee Dowladda Federalka, Abdisalam Omar Hadliye, balse uusan ka hadlin arrintaasi.
Waxaa suurtogal ah inay Alshabaab warqadaasi si khiyaano leh u qoreen, kadibna loo diray Safaaradda Turkiga ku leedahay Muqdisho.
Sidoo kale, AP waxay xustay inay la xiriireen Safaaradda Turkiga ee Muqdisho, balse ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrintaasi.
Fiisaha uu helay Ninkaasi ayaa la sheegay inay fududeysay inuu raaco Duullimaadka Daallo Airlines, inkasta oo uu haystay Tikidhka Diyaaradda Turkish Airlines oo iyadu aan wax Duullimaad ah ku imaanin Muqdisho, waana isla maalinta uu qaraxu ka dhex dhacay Diyaaradda Daallo oo ay la socdeen Rakaab intooda badan ku qornaa Duullimaadkii Turksh Airlines.
Dhinaca kale, ma jiraan warar madax-bannaan oo dhinaca Dowladda Federalka ka soo baxay oo xaqiijinaya in Ninkii isku qarxiyey Diyaaradda Daallo Airlines la qorsheynayey inuu ka hawl-galo Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Turkiga.
Xarakadda Alshabaab ayaa sheegatay inay ka dambeeyeen qarixii Diyaaradda Daallo Airlines, inkastoo aysan Alshabaab soo hadal-qaadin magaca  ninka lagu tuhunsan yahay inuu qaraxaasi geystay oo la oran jirey Abdullaahi Abdisalam Borleh.
Xigasho: AP
©Radio Dalsan      Â