Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa uu si kulul u cambaareeyay weerarradii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay lagu qaaday xarumo ku yaalla gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed uu soo saaray Antonio Guterres ayaa waxaa tacsi tiiraanyo leh loogu diray qoysaska dhibbanayaasha, wuxuuna u rajeyay kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah, isagoo ku baaqay in dambiilayaasha weerarka geystay cadaaladda la horkeeno.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay si buuxda u garab taagan tahay, una taageereyso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka ay kula jiraan waxa loogu yeero Argagixisada,
“Qaramada Midoobay waxay si buuxda u garab taagan tahay una taageereyso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, waxayna mar kale xaqiijineysaa inay ka go’an tahay inay ku taageerto sidii nabad iyo amni loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya†ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkii shalay dhacay ayaa sheegtay inay weerarka ka dhacay Xerada Xalane ay ku dileen dhowr ruux oo isugu jira cadaan iyo Afrikaan, sidoo kalena dab qabadsiiyeen qeybo ka mid ah xerada oo ah Saldhiga ugu weyn ee Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Muqdisho, ayna degan yihiin Safaaraddo.