Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in saacada soo socda ee Axada Maanta ah in uu u duulay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Shalay ayuu qorshuhu ahaa in Madaxweynaha uu halkaasi aado balse uu ka baaqsaday balse Maanta ayaa la filayaa in uu tago Magaalada Garoowe.
Qaban qaabo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha ayaa ka socota Garoowe iyada oo ammaanka si aad ah loo adkeeyay,waxana la arkayaa ciidamo is tirsan kuwa dowladda oo Maalin ka hor la geeyay iyo kuwa Puntland oo amniga xaqiijinaya.
Madaxweyne Farmaajo ayaan u tegaya Puntland laba qodob oo kala ah in uu xariga is jaro dib u dhis lagu sameeyay Garoonka Diyaaradaha Garoowe Iyo in uu ka qeybgalo Afar Sano guuradii ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Puntland oo ku beegan 8/1/2017 oo Maalinta Berito ah.
Deegaano ka tirsan Puntland ayaa la filayaa in sidoo kale uu booqdo,waxana Warar kale ay sheegayaan in uu tegi doono Magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud.