30 xubnood oo ka mid ah Ciidanka Booliska maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa tababar soconayay 10 Cisho loogu soo xiray Magaalada baydhabo ee Xarunta KMG maamulka Koofur Galbeed.
Kooraskan gaaban oo ay abaabulkiisu lahaayeen Saraakiisha Booliska AMISOM ayaa lagu baranayay hubinta, xakamaynta, qabashada , maareynta dembiyada Dadweynaha, ka hor tagga rabshadaha iyo mudaaharaadyada.
Tresphord Kasale, oo ah Isuduwaha Booliska AMISOM ee Koonfurta Galbeed , ayaa sheegay in xubnaha tababarka loo soo xiray loo qalabayn doono si wanaagsan, si ay u maareeyaan ammaanka guud, gaar ahaan goobaha uu mujtamacu ku badan yahay.
Soddonkan Xubnood oo laga soo kala xulay Saldhigyada Booliska ee Magaalada Baydhabo ayaa waxay ka mahad celiyeen sida hagar la’aanta ah ee loo baray waajibaadka ka saaran la dhaqanka Bulshada, waxanay ballan qaadeen iney ku dhaqmi doonaan Casharradii ay qaateen.